Maxkamad ku taalla dalka Kenya oo dacwad ku soo oogtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay ka aas aas gobolka Bariga Afrika

Dowladda Kenya ayaa dacwad kusoo oogtay nin la rumeysan yahay inuu yahay, isla markaana ku eedeeysan hoggaamiyaha ugu muhiimsan kooxda Daacish ee Bariga Afrika. Maxamed Cabdi Cali oo loo yaqaan Abu Fidaa (Abuu Shuhadaa) ayaa ka soo hor muuqday maxkamad ku taal magaalada Nairobi, isagoo lagu eedeeyay inuu abaabulay qorshe ururka Daacish loogu aasayo Kenya iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika sanadkii 2016-kii.

Cali ayaa la xiray sanadkii 2016-kii, waxaana baaritaano kadib lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa qorista shaqsiyaadka ku biiraya Daacish. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya ayaa warbixin uu soo saaray ku faah faahiyay eedeymaha loo haysto Cali iyo inta uu la egyahay dambiyada lagu soo eedeeyay.

Sida ay sheegeen dacwad oogayaasha, Cali ayaa wajahaya eedeymo ah in uu xubno u qorayay Daacish, eedeymahaas oo saameyn weyn ku leh amniga qaranka Kenya. Dacwad oogayaasha ayaa Cali ka codsaday in lagu xukumo ilaa 90 sano oo xarig ah, iyaga oo ku sababeeyay culeyska eedeymaha iyo nooca khatarta ah ee falkiisa.

Maxkamadeynta Cali ayaa hoosta ka xariiqday dadaalka ay Kenya ugu jirto la dagaalanka argagixisada iyo ilaalinta muwaadiniinteeda, Xukunkiisa ayaa loo qorsheeyay inuu dhaco Abriil 22, 2024.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed