Maxkamad ku taal Sweden oo xukun ku riday nin xadgudub u gaystay Kitaabka Qur’aanka Kariimka

Maxkamad ku taal Sweden ayaa Isniintii xukun ku riday nin lagu helay dambiyo nacayb ah, ka dib markii uu gubay nuqullo ka mid ah Kitaabka Quraanka Kariimka, tani oo ku soo aadaysa maalmo un kadib dilka saaxiibkiis oo isna dacwad caynkan ah ku furnayd.

Maxkamaddu waxay xukuntay Salwan Najem, oo haysta dhalashada Sweden, xabsi shuruudaysan iyo ganaax lacageed, ka dib markii lagu helay gubista nuqullo ka mid ah Quraanka iyo faallooyin aflagaado ku ah Muslimiinta, falalkaas oo uu sameeyay sanadkii 2023, kuwaasi oo caro wayn ka dhaliyay dunida Muslimka ah.

Arbacadii, saaxiibkiis, Silwan Mumika, oo ah qaxooti u dhashay Ciraaq, ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla agagaarka caasimadda Stockholm, xilli lagu waday in la xukumo kiiska lagu soo oogay. Maxkamaddu waxay meesha ka saartay dacwaddii loo haystay Mumika sababo la xiriira dhimashadiisa.

Bayaan kasoo baxay maxkamadda Stockholm ayaa lagu sheegay in Negm, 50 jir ah, iyo Mumika, 38 jir ah, ay si kala duwan ugu xadgudbeen Kitaabka Quraanka Kariimka, isla markaana ay jeediyeen hadallo aflagaado ku ah Islaamka, Muslimiinta iyo masaajidda.

Maxkamaddu waxay sheegtay in Najem lagu helay dambiyada nacaybka ah ee xushmad darro uu u muujiyay Muslimiinta sabab la xiriirta caqiidadooda, isagoo sameeyay afar fal oo loo aqoonsaday nacayb diimeed.

Dhanka kale, hay’adaha ammaanka ee Sweden ayaan wali cidna ku soo oogin dambiga la xiriira dilka Mumika. Boolisku waxay xireen shan qof oo lagu tuhmayay, balse dib ayay u sii daayeen ka dib markii la ogaaday in tuhunku aan xoogganayn, inkastoo baaritaanku wali socdo.

Raysal Wasaaraha Sweden, Ulf Kristersson, ayaa Khamiistii sheegay in suurtagal ay tahay in “xoog shisheeye” ay ku lug leeyihiin dilka ninka qaxootiga ah ee reer Ciraaq, inkastoo uusan magacaabin cid gaar ah.

Gubista iyo xadgudubyada lala beegsaday Quraanka Kariimka ee ka dhacay Sweden xagaagii 2023 ayaa dhaliyay caro xooggan oo ka timid dunida Muslimka ah.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed