Maxkamad ku taal Puntland oo xukuno kala duwan ku riday 5 sarkaal oo lagu eedeeyay in ay sii daayeen xubno ka tirsanaa burcad badeed iyo Al-Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday shan garsoore iyo xeer-ilaaliyeyaal, kaddib markii lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen maxaabiis laga siidaayay xabsi ku yaal  Garowe kuwaas oo ahay sida la sheegay burcadbadeed iyo Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa magacawday saraakiishaan oo lagu sheegay,  Gaashaanle Sare Keenadiid C/casiis Axmed, Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Warsame Jaamac, Gaashaanle Sare Sahal Cabdi Cartan, Gaashaanle Sare Cabdiweli Maxamed Maxamuud iyo Sareeye Gaas Aadan Cali Maxamuud. Waxaa lagu xukumay labo ilaa shan sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka ayaa ku eedeysay mas’uuliyiintan in ay lacago laaluush ah ku qaateen sii deynta maxaabiista.Qareenada u doodayay  mas’uuliyiintan ayaa warbaahinta u sheegay in loo diiday waqti ku filan oo ay ku diyaariyaan difaac.

Qareen Mustafe Maxamed Jaamac oo ka mid ah qareennada ayaa sheegay, yaa sheegay, in waxa lagu haysto saraakiishan ay yihiin, go’aan ay ka gaareen dad loo haystay falal burcad badeednimo iyo Al shabaab, kaddibna wuxuu sheegay in xabsiga lagu guray, iyadoo aan wax dacwad ah lagusoo oogin.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed