Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go’aan ka soo saartay dhammaan eedeymihii loo haystay Agaasimayaashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha C/qaadir Cilmi, Maxamed Aadan Jimcaale Koofi iyo Muxiyidiin Xasan Saabey oo ahaa Madaxii Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda iyo saraakiil kale oo ka tisranaa hey’adaha dowladda una badnaa wasaaradda Maaliyadda.
Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay maanta ,taasoo ka dhigan marxaladda ugu muhiimsan ee dagaalka sharciga ah ee ka dhanka ah musuqmaasuqa dalka.
Saddexda mas’uul ayaa loo heystay eedeymo la xiriira mudadii ay hayeen hay’adahaas. Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii si qoto dheer loo baaray cadeymaha la soo bandhigay, maxkamaddu ma aysan helin wax la taaban karo oo lagu xaqiijin karo eedeymaha lagu soo eedeeyay.
Sidaas darteed, dhammaan eedeymihii lagu soo oogay waa la laalay, taasoo muujineysa inaysan wax dambi ah lahayn sharciga hortiisa, isla markana laga bari yeelay dambiyadii loo heystay ee musuqa, kuwaas oo ah maqanayaal ah.
Guddoomiyaha maxkamadda Salaax Dabaan oo ku dhawaaqay go’aankan ayaa shaaca ka qaaday in wax dambe lagu waayay agaasimeyaashii hore ee hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo Muxiyidiin Xasan oo ahaa Madaxii Canshuuraha Berriga
Siideynta mas’uuliyiintan ayaa la filayaa in ay saameyn weyn ku yeelato dadaallada socda ee lagu hagaajinayo dowladnimada iyo hufnaanta Soomaaliya.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xukunka kiis dacwadeedka oo ay eedeysanayaal ka ahaayeen 5 sarkaal oo ka kala tirsan hay’adaha kala ah:- Hey’adda Socdaalka, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada iyo Bakiga Dhexe ku riday xukuno kala duwan oo u dhexeeya 2 sano illaa 4 sano, halka 4 kalana la siidayay.
Go’aankan ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya ay si firfircoon uga shaqeyneyso xoojinta nidaamka cadaaladda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.
HBN NEWS DESK