Maxkamad ku taal Muqdisho oo go’aan rasmi ah ka soo saaray eedeymo musuq-maasuqa ee lagu soo oogay saraakiil dowladda ah

Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir aya go’aan rasmi ah ka soo saartay eedeymihii musuq-maasuqa ee lagu soo oogay Agaasimayaashii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar.

Labadan mas’uul ee dowladda ayaa horay loogu eedeeyay musuq maasuq ama wax isdaba marin balse kiiskaas waxaa laashay maxkamadda gobolka Banaadir maanta.

Dhinaca kale Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xarig ah ku xukuntay Cabdi Muxsin Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay Maxkamaddu ku heshay dambiga lagu soo eedeeyay. dambi lagu eedeeyay.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa ay dhageysatay dacwado la xiriira musuq maasuq  ee lagu eedeeyay mas’uuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo kale oo horay xilal u soo qabtay.

Dhawaan ayey aheyd markii maxkamadda gobolka ay ku dhowaaqday in wax dambe ah lagu waayay agaasimeyaashii hore ee hay’adda Socdaalka Jinsiyadda, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)  iyo Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo  oo haatan maqane ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed