Maxay yihiin qodobada xasaasiga ah ee Somaliland ku sheegtay in weli Soomaaliya dhankeeda kaga xiran yihiin?

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo ka war culus kasoo saaray arinta muranka badan dhalisay ee u dhexeysa Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in inkastoo ay jiraan go’aanno la taaban karo oo ku saabsan kala gurashada arrimaha labada dhinac, haddana weli ay jiraan qodobo muhiim ah oo aan weli si buuxda loo dhameystirin.

Madaxweyne Cirro ayaa tilmaamay in arrimahaas ay kamid yihiin baasaboorka, saamiga xajka, furaha taleefannada (+252) ee Soomaaliya, iyo maamulka hawada, kuwaas oo uu sheegay inay u baahan yihiin wadahadal iyo heshiis rasmi ah oo lagu xallinayo.

“Inkastoo la kala gutray, weli wax weyn baa isaga kaana jira oo u baahan sidii loo dhamaystiri lahaa kala gurashada. Waxaa kamid ah baasaboorka, saamiga xajka, furaha taleefoonada 252 iyo maamulka hawada,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay taagan tahay arin buuq badan dhalisay oo ku aadan ku aadan adeegyada socdaalka iyo maamulka hawada, taasi oo Somaliland ay sheegto in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gacanteeda sida hadalka u dhigtay si qaldan kaga gashay.

Somaliland oo hakisay horaantii sanadkan wahadaladii ula socday dowladda Soomaaliya, ayaa hadane waxay eedeymo adag u jeedisaa dowladda hadda jirta, inkasta oo aanay DFS ka jawaabin cabashooyinka Hargaysa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed