Maxay yihiin qodobada xasaasiga ah ee ka soo baxay kulan maanta ay ku yeesheen xubnaha Golaha Mustaqbalka?

Kulan gaar ah oo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uga socday xerada Xalane ee Muqdisho ayaa galabta soo gabagaboobay, iyadoo lagu falanqeeyay sida la sheegay wada-hadallada u dhexeeya golaha iyo madaxda sare ee dowladda federaalka.

Kulanka waxaa ka qeybgalay madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta. Xubnuhu waxay isku raaceen inay si buuxda uga qeyb-galaan shirka berri oo Axad ah ka dhici doona madaxtooyada Soomaaliya, kaddib markii ay dowladda ka laabatay guddi gaar ah oo la filayay inuu ka shaqeeyo arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.

Sidoo kale, Golaha ayaa dejiyay ajendaha ay la tegayaan shirka, oo uu mar kale guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxay isku raaceen 3 qodob oo ay u arkaan kuwo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin ansaxnimada dastuurkii 2012, qabashada doorashooyin dadban oo dowlad-goboleedyadu yeeshaan, iyo in dowladda federaalku qabato doorasho lagu heshiiyay oo waqtigeeda ku dhacda.

Natiijada shirka ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato jihada siyaasadda dalka, maadama is araga todobaadkii hore uu ku soo soo dhaamaday natiijo la’aan iyo in aanay soo bandhigin dhinacyadu wax hormar ah oo laga gaaray fadhigii Arbacadii.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed