Maxay yihiin  eedeymaha OLOF waaweyn oo ay huwisay Abiy Axmed kadib tagistiisii Jigjiga?

Jabhadda ONLF ayaa si kulul uga jawaabtay booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo madaxda kale ee gobolka ( laba Madaxweyne Xasan Sheekh & Ismaaciil Cumar Geelle) , ee lagu soo bandhigay magaalooyinka Jigjiga iyo Aaysha. War saxaafadeed ay soo saartay ONLF ayey ku tilmaamtay in booqashadan in aanay ahayn horumar dhab ah, balse ay ahayd bandhig siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu muujiyo xukun iyo lahaansho dhul Soomaaliyeed oo aan xor ahayn.

ONLF ayaa sheegay in dhacdadani ay qayb ka tahay isku dayga dowladda Itoobiya ee lagu abuurayo sida hadalka ay u dhigtay muuqaal been abuur ah oo xasillooni iyo horumar ah, iyadoo gudaha dalka ay ka jiraan colaado waaweyn oo ka socda Amxaarada, Oromiya, Canfarta, Beni-Shangul-Gumuz, Gambella, iyo Tigray, halka awoodda dowladda dhexe ay si muuqata u sii daciifeyso.

Sidoo kale, ONLF waxay sheegtay in sawirka nabad iyo horumar ee lagu soo bandhigay Jigjiga uu yahay mid been abuur ah, maadama dhibaatooyin culus bulshada lagu hayo.
“Ma jiro nabad halka ururrada siyaasadeed la dhibaateeyo, nolosha dhaqaale la ceejiyo, dhalinyarada si qasab ah loo askareeyo, xuduudaha maamul la beddelo si bulshooyinka loo kala qaybiyo, go’aannada aasaasiga ah ee saameeya nolosha Soomaalida-na laga gaarsiiyo Addis Ababa” ayey tiri ONLF.

ONLF waxay ku eedeysay Xukuumada Abiy Axmed in ay u isticmaashay maamulka deegaanka Soomaalida sida gaashaan warbaahineed oo lagu qurxiyo sumcadda Itoobiya oo burburaysa, iyadoo shacabka Soomaaliyeed aysan ahayn qalab lagu qanciyo dibadda sida hadalka ay u dhigtay.

ONLF waxay ku adkaysay in Itoobiya mar dambe aysan xakameyn buuxda ku lahayn dalka iyada oo leh “Itoobiya mar dambe ma aha mid la xakameeyo, shacabka Soomaaliyeedna ma aha addoomo, Ogaadeenya-na ma aha masrax lagu ciyaaro”.

Eedeymahaan kama anaay jawaabin xukuumadda Addis Ababa iyo si guud maamulka dowlad deegaanka Soomaalida, iyada oo shalay ay aheyd markii madaxda Jabuuti iyo dowladda Federalka Soomaaliya ay tageen halkaasi oo lagu soo bandhigay furitaanka goobo dalxiis ayna jeediyeen hadalo siyaasadeed iyo kuwa gobolka si weyn u taabanayey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed