Soomaaliya ayaa heshay shixnad muhiim ah oo ka kooban afar diyaaradood oo nooca helicopter-ka ah ee Bell 412EPX, taasi oo noqonaysa tii ugu badneyd ee hal mar la keeno tan iyo markii dalka laga qaaday cunaqabateynta hubka.
Diyaaradahan oo ah nooca qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka ah oo ayaa lagu soo iibiyay lacag dhan 16 milyan oo dollar, ayna bixisay dowladda Talyaaniga waxaan si rasmi ah loogu wareejiyay dowladda Soomaaliya horaantii todobaadkan. Diyaaradahaan Helicopters-ka ah ayaa loo adeegsan doonaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab & hawlaha kale ee sugidda ammaanka.
Dhawaaqaan ayaa ah dufcaddii ugu dambeysay ee Soomaaliya ay ka hesho dhinacyada caalamka. Bishii Luulyo ee sannadkii hore, waxay qaadatay laba nooc, iyada oo la sugayo saddex kale.Bell 412 waa helikobter mataano ah oo caan ku ah isku xirnaanta iyo isku halaynta, taas oo ka dhigaysa mid ku habboon sida dagaalka, daadgureynta ciidamada, gurmakda caafimaadka, iyo hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta.
Dadka falanqeeya arimaha Gobolka ayaa qaba in helitaanka diyaaradaha helicopter-ka ee Bell 412 ay calaamad u tahay kor u kac la taaban karo oo lagu sameeyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ka hortagga kooxda Alshabaab. Helicopters-yadan ayaa awood u siinaya in si degdeg ah loo geeyo ciidamada iyo saadka gobollada fog fog waxayna fududeynayaan daad gureynta caafimaad ee dhaawacmayada.
Dowladda Soomaaliya ayaa wali wajaheysa caqabado kala duwan, balse waxa ay horumar ka sameyneysaa dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab. Imaatinka helikabtarrada Bell 412 ayaa xoojin weyn u ah dadaalka dowladda sida ay qabaan.
Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa la baxay ilaa 2,000 oo askari 30-ka June, waxaana la filayaa in 3,000 oo kale la saaro bisha Sebtembar si waafaqsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2628 iyo 2670, kaas oo faraya ATMIS in sida oo kale lagu wareejiyo ammaanka meelaha ay ka baxayaan ciidanka Dowladda Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

