Dowladda Soomaaliya ayaa maanta guul weyn ka sheegatay howlgal culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada AUSSOM, iyagoo kaashanaya UPDF. Howlgalka ayaa lagu beegsaday maleeshiyaadka Alshabaab.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay si buuxda uga saareen kooxda Alshabaab deegaannada Mubaarak iyo Daarusalaam, isla markaana laga dul qaaday shacabka culeys iyo dhibaato ay muddo ku hayeen. Taliska ayaa xusay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida.
Intii uu socday howlgalka, waxaa la tilmaamay in lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab, inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray kooxda. Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna ka go’an tahay ciribtirka waxa ay ku tilmaameen Khawaarijta halista ku ah amniga shacabka.
Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay inay dardar gelisay howlgallada ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada, iyadoo shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday bilaabashada hawlgal cusub oo lagu magacaabo Hawlgalka Hillaac, kaas oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amni waara, xasilooni iyo nabad guud ahaan dalka.
HBN ONLINE TV

