Maxay yihiin ciidamada tabarka loogu soo xiray Muqdisho oo ay ka qeyb galeen madaxweynaha Soomaaliya Wasiirka Gaashaandhigga & saraakiil culus

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  magaalada Muqdisho kaga qayb-galay qalin-jabinta dufcaddii lixaad oo ah saraakiil & saraakiil ku-xigeenno  oo ka socday xarunta tababarka ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweyne Maxamuud ayaa kula dar daarmay saraakiisha cusub in ay si daacadnimo iyo wadaniyad ku dheehan tahay u gutaan waajibaadkooda shaqo si dalka looga xoreeyo maleeshiyaadka Al-Shabaab muddo kooban.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga iyo madaxweynaheeda Recep Tayyip Erdoğan oo kaalin weyn ka qaatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Waxa uu halkaasi shahaadooyin iyo abaal-marinno guddoonsiiyey saraakiishii tababarka adag u soo qaatay muddo saddex sano ah.

Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur, Jeneral Ibraahim Sheekh, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, saraakiil kale, saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka, sida ciidamada badda, dhulka iyo cirka, ayaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabadda.

TurkSom, oo ku yaalla caasimadda Muqdisho, waa saldhigga ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay dibadda iyo saldhigga tababarka. Waxa ay awood u leedahay in ay qaado ku dhawaad ​​1,500 oo askar ah markiiba,waxana ay hore u tababartay 5,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada amniga Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed