Maxay yihiin baaqyada isdaba joogga ah ee ka soo yeeraya Issimada Bari & Nugaal ee Puntland?

Maalmihii u dambeeyay, waxaa isa soo tarayay baaqyo isdaba joog ah oo kasoo yeeraya Isimmada dhaqanka ee gobollada Nugaal iyo Bari ee Puntland, kuwaas oo si isku mid ah ugu yeeraya in dib-u-eegis iyo dib-u-habeyn lagu sameeyo nidaamka siyaasadeed ee Puntland, laguna baaqo shir-weyne cusub oo mideeya aragtida saamileyda siyaasadeed iyo dhaqameed ee maamulka.

Isimmada dhaqanka ee gobolka Nugaal qaarkood ayaa maanta soo saaray baaq ay ku taageerayaan hadalkii hore uga soo baxay Isimmada gobolka Bari, iyagoo ku tilmaamay arrintaas “tallaabo mas’uuliyad leh oo u adeegaysa danaha guud ee Puntland”.

Waxay sheegeen in la gaaray xilligii dib loo eegi lahaa qaab-dhismeedka Puntland ee la dhisay sanadkii 1998-kii, si loo waafajiyo duruufaha cusub ee siyaasadeed iyo bulsho ee maamulka.

Isimmada Nugaal waxay ku baaqeen in dhamaan isimada dhaqanka Puntland ay isugu yimaadaan shir degdeg ah, kaas oo gogol-xaar u noqda shirweynaha guud ee Puntland. Ujeedada shirkan ayay ku sheegeen in lagu mideeyo aragtida, lagu dardar-geliyo wada-tashiga siyaasadeed, laguna xoojiyo midnimada iyo wadajirka bulshada Puntland.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen madaxda heer federaal iyo dowlad-goboleed in ay ka shaqeeyaan xoojinta midnimada Soomaaliyeed, isla markaana mudnaanta la siiyo danaha guud ee shacabka halkii laga hormarin lahaa dano gaar ah oo siyaasadeed ama shaqsiyeed.

Baaqan Nugaal wuxuu daba socday war-murtiyeed ay dhowaan soo saareen Isimmada gobolka Bari, kuwaas oo muujiyay aragtidooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Puntland.
Isimmada Bari waxay baaqooda diiradda saareen dhowr qodob oo ay kamid yihiin Ilaalinta midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxay sheegeen in Puntland ay door weyn ku leedahay ilaalinta midnimada Soomaaliya, loona baahan yahay in laga fogaado tallaabo kasta oo dhaawici karta wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Guud ahaan, baaqyada xiriirka ah ee ka soo baxay Isimmada Nugaal iyo Bari ayaa loo arkaa tallaabo siyaasadeed oo cusub, taas oo lagu doonayo in Puntland lagu sameeyo dib-u-habeyn iyo cusboonaysiin siyaasadeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed