Howlgal ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in lagu dilay xubno Ajaaniib ah oo ka tirsan Kooxda Alshabaab, sida uu warbaahinta u sheegay hoggaamiyaha ciidamada deegaanka Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan.
Duqii hore ee gobolka Hiiraan oo faahfaahiyey howgalkii ugu dambeeyey ciidamada
Dowladda iyo kuwa deeegaanka ayaa sheegay in inta howlgalka lagu guda jiray lagu dilay horjoogayaal sare oo Ajaaniib ah, ka dib dagaal ka dhacay aagga u dhexeeya degmooyinka Halgan iyo Buula Burte ee gobolka Hiiraan.
“Ajaanib ay ku jiraan horjoogayaal sare ayaan ku dilnay howlgalkii aan qaadnay, meydadkooda ayaana daadsan dhulka.” ayuu yiri Cali Jeyte.
Cali Jeyte ma sheegin wadanka ay u dhasheen kooxda Ajaaniibta ah ee lagu dilay dagaalka ka socda, balse waxaa uu ku goodiyey in uu sii wadi doono kooxda Alshabaab, isagoo yiri ” waa dhadhamin doonaan qaraarka ay leedahay bahashu[xabadda]”.
Dagaalka ka socda labadii todobaad ee la soo dhaafay Koonfurta iyo galbeedka Gobolka Hiiraan ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay guulo kaga sheegatay inay ka gaartay inta lagu guda jiray, iyadoo deegaanno dhowr ah kala wareegtay.
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka Hiiraan ayaa sheegtay in lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo Alshabaab, iyadoo ka saartay deegaanno ka dhaca Wabi Shabeelle
HBN ONLINE TV