Maxay uga jawaabeen siyaasiyiinta mucaaradka ah gogasha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh?

Madasha mucaaradka ee loo yaqaano “Madasha Samatabbixinta Qaranka” ayaa u soo dhaweeysay hindisaha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu wado in uu qabsoomo 15-ka Juun, 2025.

Bayaan ay xalay soo saartay Madashu, waxay ku adkaysay muhiimadda ay leedahay wadatashigan oo ay ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xallinta “mugdiga siyaasadeed, amni iyo dhaqaale” ee ka jira dalka. Madashu waxay ku baaqday in wadahadallada ay noqdaan kuwo loo dhan yahay oo lagu gaaro xalal waara oo lagaga gudbayo “khilaafka siyaasadeed” ee hadda jira.

Madasha ayaa soo jeedisay saddex qodob oo muhiim ah in lagu saleeyo wadatashiga:
1. In uu noqdo wadahadal dhab ah oo lagu xallinayo “khilaafaadka siyaasadeed” – gaar ahaan kuwa la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka soo socda ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
2. In dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ay si buuxda uga qayb galaan wadatashiga.
3. In ajendaha iyo qodobada laga doodayo la caddeeyo ka hor intaan wadahadalku bilaaban.

Ugu dambeyn, Madashu waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay sida hadalka u dhiogeen “samatabbixinta qaranka” iyo taageeridda midnimada, madax-bannaanida, iyo wadahadal dhab ah. Waxay sidoo kale muujisay diyaar garowgooda ku aaddan in si wax-ku-ool ah uga qaybqaataan dadaallada lagu soo afjarayo “khilaafka siyaasadeed” loona horseedayo dalka xasillooni qaran iyo is-afgarad.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed