Maxay tahay ujeedada Madaxweynaha Soomaaliya u tagayo Addis Ababa?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu safar ku tago dalka Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Wadahadalka labada hoggaamiye ayaa lagu sheegay inay ku aadan yihiin xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in safarkan uu qayb ka yahay socdaallada diblomaasiyadeed oo Madaxweynuhu ku marayo gobolka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen booqashooyin sida hadalka loo dhigay guul leh oo uu dhawaan uu ku tagay dalalka Ereteriya iyo Jabuuti.

Intii uu ku sugnaa dalalkan, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ka go’an tahay xoojinta iskaashiga adag ee kala dhaxeeya dalalka deriska ah iyo horumarinta yoolalka wadajirka ah ee nabadda, horumarka, iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si xooggan uga shaqeynayso xoojinta iskaashiga goboleed ee lagu gaarayo sida warka loo dhigay barwaaqada.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed