Maxay tahay ujeedada booqashada Madaxweynaha Somaliland oo Imaaraadka Carabta aaday?

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Shirka Sannadlaha ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit) oo ka dhacaya magaalada Dubai.

War rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweynaha uu leeyahay muhiimad diblomaasiyadeed oo weyn, maadaama Somaliland ay ku matalayso madal caalami ah oo ay isugu imanayaan in ka badan 130 dal, hay’ado caalami ah iyo hoggaamiyeyaal saameyn ku leh go’aannada siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee caalamka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu kaga hadli doono waayo-aragnimada Somaliland ee dhinacyada dawlad-dhiska, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo horumarka, iyadoo sidoo kale la filayo inuu madasha hordhigo aragtida Somaliland ee ku aaddan aqoonsi raadinteeda caalamiga ah.

Inta uu Madaxweynaha iyo weftigiisu ku sugan yihiin Imaaraadka Carabta, waxaa qorshaysan kulammo gaar ah oo uu la yeelan doono madax iyo masuuliyiin caalami ah, kuwaas oo diiradda lagu saari doono iskaashiga horumarineed, maalgashiga, ganacsiga, amniga iyo arrimaha mudnaanta u leh Somaliland. Somaliland ayaa sheegtay in ka-qaybgalkeedu uu muujinayo danayn iyo kalsooni sii kordhaysa oo ay Bulshada Caalamku ku qabto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed