Wafdi sare oo ka socda xukuumadda Somaliland oo maalmahan ku sugnaa dalka Qatar ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi, iyagoo iska xog waraysanaya xaaladaha gobolka.
Wafdigan oo Hargeysa ka baxay saddex maalmood ka hor ayaa ka kooban wasiirka Madaxtooyada, wasiirka Maaliyadda, wasiirka Diinta iyo Awqaafta, iyo sidoo kale la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha, sida ay ku warameen warbaahinta gudaha Somaliland.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ujeedka socdaalkan, haddana ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in booqashadu ay la xiriirto iskaashi dhaqaale iyo farsamo, isla markaana lagu xoojinayo isfahamkii ka dhashay safarkii hore ee madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu ku tegay Dooxa.
Qatar dhankeeda waxa ay xiisaynaysaa in ay saamayn ballaaran ku yeelato arrimaha siyaasadda Geeska Afrika, iyadoo horey taageero weyn ugu muujisa Soomaaliya, kana mid ahayd dalalka si adag uga soo horjeeda qaddiyadda Somaliland, balse wafdiga Somaliland ayaa waxaa hor kacaya wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya oo hargaysa dib ugu laabtay, isagoo noqday la taliyaha madaxweyne Cirro.
Wafdigan ayaa la filayaa in ay dib ugu soo laabtaan magaalada Hargeysa isla todobaadkaan, iyada oo xogta kulamada ay Qatar la soo yeesheen madaxweyne Cirro la wadaagi doona.
HBN ONLINE TV