Maxay tahay Talaabo ka dhan ah Imaaraadka carabta oo ay qaaday DFS?

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si rasmi ah u mamnuucday dhammaan diyaaradaha milatari iyo kuwa xamuulka qaada ee ay leeyihiin ama ay kiraysteen Imaaraadka Carabta inay galaan hawada Soomaaliya, kadib dhacdo la xiriirta in hoggaamiye kooxeed Yemeni ah oo lagu tilmaamay “baxsad ” inuu ku maray dalka, iyadoo aan oggolaansho laga helin hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijiyay in muddooyinkii u dambeeyay lix diyaaradood oo milatari iyo xamuul ah oo Imaaraadku leeyahay ay si joogto ah uga degayeen qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha dalka. Mid ka mid ah diyaaradahaas ayaa lagu eedeeyay inay jabisay amarka mamnuucidda laba jeer, Jimcihii iyo Sabtidii maanta ah.

Ilo ku dhow dowladda Federaalka ayaa sheegay in tallaabadan lagu saleynayo ilaalinta madaxbannaanida hawada Soomaaliya iyo xaqiijinta in aan si sharci-darro ah loo adeegsan garoomada iyo hawada dalka. Dowladda ayaa sidoo kale ka digtay inay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah haddii jebinta amarkaasi sii socoto.

Dhanka kale, mamnuucidda lagu soo rogay Imaaraadka ma saameyneyso shirkadaha diyaaradaha rayidka ah, sida FlyDubai iyo kuwo kale, kuwaas oo sii wadan doona duullimaadyadooda caadiga ah ee Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay jireen walaacyo isa soo tarayay oo la xiriira dhaqdhaqaaqyada milatari ee shisheeye iyo isticmaalka garoomada diyaaradaha Soomaaliya, taas oo dowladda Federaalka ku tilmaantay arrin u baahan feejignaan iyo tallaabo degdeg ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed