Iyadoo Israa’iil ay kordhisay weerarrada cirka ee ay ka fulinayso gudaha Suuriya toddobaadkii hore, isla markaana ay dareemayso in Turkigu rabo inuu saldhigyo ciidan ka dhisto dhulka Suuriya, ayay Ankara mar kale ku celisay in aysan doonaynin iskahorimaad.
Xiisaddii u dhaxaysay Israa’iil iyo Turkiga, taasoo meel sare gaartay toddobaadkii hore, ayaa yara degtay tan iyo Jimcihii kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, uu ka sheegay shir NATO ay isugu timid oo ka dhacay Brussels in Turkigu uu san diyaar u ahayn iska horimaad “Ma doonayno wax iskahorimaad ah oo anaga iyo Israa’iil dhexmara oo ka dhaca gudaha Suuriya. Keliya shacabka Suuriya ayaa go’aamin kara arrimaha amniga ee dalkooda”, ayuu yiri Hakan Fidan.
Tani waxay timid kadib markii Wasiirka Difaaca ee Israa’iil, Israel Katz, uu u digay Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Shara, isagoo yiri: “Haddii aad oggolaato kooxo ka soo horjeeda Israa’iil inay galaan Suuriya oo ay halis geliyaan danaha amni ee Israa’iil, waxaad kala kulmi doontaa cawaaqib xun”.
Si uu fariintaas ugu muujiyo in aysan ku wajahnayn madaxweynaha hadda jira oo kaliya, Katz wuxuu intaas ku daray: “Howlgalladii ciidamada cirka ee shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha T-Four ee Xama iyo agagaarka Dimishiq, waa fariin cad iyo digniin mustaqbalka soo socda. Ma oggolaan doonno wax kasta oo dhaawacaya amniga Israa’iil.”
Si kastaba ha ahaatee, Katz uma uusan magacaabin Turkiga si toos ah, maadaama Israa’iil weli rajaynayso in laga fogaado iskahorimaad toos ah, isla markaana la gaaro is afgarad ay dhexdhexaadiyaan Mareykanka ama xitaa Ruushka, si loo qaabeeyo awoodda iyo amniga gudaha Suuriya. Arrintaas waxay si dadban uga muuqatay hadalkii wasiirka Turkiga.
Laakiin warbixin cusub oo ka timid Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday hindise qarsoodi ah. Sida laga soo xigtay wargeyska Yedioth Ahronoth, labada dal waa Turkiga & Israa’iil ayaa wadahadallo hoose leh si loo gaaro heshiisyo dhexdhexaadin ah oo ku saabsan doono sida loo qaybsado amniga ilaa Suuriya ay degganaato.
Warbixintu waxay sheegtay in Israa’iil ay u soo jeedisay Turkiga in Suuriya loo kala qaybiyo aagag ammaan oo kala hoos yimaada Mareykanka oo la siiyo bariga, iyo Ruushka oo qaata xeebaha galbeed.
Dhanka waqooyi, Telaabiib waxay soo jeedisay in Turkiga loo daayo, halka Israa’iil ay hesho koonfurta iyo bariga.
Dowladda Dimishiq, sida ku cad soo jeedinta Israa’iil, waxaa loo arkaa maamul kumeel gaar ah oo haysta inta hartay ee dhulka ilaa laga helo dowlad la doortay oo deggan, taas oo laga yaabo in sannado qaadato.
Soo jeedintan Israa’iil waxay timid xilli Telaabiib ay doonayso in la joojiyo ballaarinta milatari ee Turkiga tan iyo markii uu dhacay xukunkii madaxweynihii hore ee Suuriya, Bashar al-Assad, bishii Diseembar ee la soo dhaafay. Tani waxay sidoo kale la xiriirtaa walaaca sii kordhaya ee hay’adaha sirdoonka iyo amniga Israa’iil ka qabaan in Turkigu ka faa’iideysto firaaqada ka jirta Suuriya si uu halis ugu keeno Israa’iil.
Waxaa xusid mudan in Telaabiib dhowr maalmood ka hor ay weerarro cirka ah ku qaaday garoonka ciidamada Xama iyo saldhigyada T4 iyo Palmiira, taasoo laga yaabo inay ka hor istaagto Turkiga inuu ka faa’iidaysto goobahaas kadib markii si weyn loo burburiyay.
Isra’iil waxay si cad ugu diidday toddobaadkii hore rabitaanka Turkiga ee ah in uu saldhigyo ciidan ka dhisto gudaha Suuriya, iyadoo kordhisay weerarrada cirka ee ay la beegsanayso goobaha ay Ankara rabtay in ay.saldhigyo ka dhisato.
Ilo-wareedyo afar ah ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu kormeer ku sameeyay ugu yaraan saddex garoon oo ciidan ah gudaha Suuriya oo uu qorsheynayay in uu ciidamo ku geeyo, taasi oo qayb ka ah heshiis difaac oo is-dhaafsi ah, ka hor inta aan Israa’iil toddobaadkan weerarro cirka ah ku garaacin goobahaas.
Weerarradaasi oo ay ku jirto duqeyn culus oo habeenkii Arbacada ka dhacday saddex saldhig oo kala ah saldhigga T4, saldhigga cirka ee Palmiira ee gobolka Xums iyo garoonka weyn ee gobolka Xamaa, waxay dhaceen inkasta oo Turkigu uu ku dadaalayay inuu Mareykanka ku qanciyo in joogitaankiisa milatari ee Suuriya aanu Israa’iil halis ugu jirin.
HBN ONLINE TV