Wafdi siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfur-galbeed, horayna uga baxay Madasha Samatabixinta ayaa sheegay in maanta laga hor istaagay safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Baydhabo, halkaas oo ay doonayeen in ay ka bilaabaan ololaha doorashooyinka qof iyo cod ee DFS.
Xildhibaan Muktar Maxamed Guuleed oo Warbaahinta la hadlay, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Koonfur-galbeed inuu faray diyaaradaha in aysan qaadin siyaasiyiinta, oo ay ku jiraan Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal iyo Shariif Xasan Sheekh Aaden, kuwaa oo dhawaan furtay xisbi ay dowladda Soomaaliya aqoonsan tahay.
Ilo dibomaasiyadeed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu codsaday in safarka dib loo dhigo, isagoo ballan qaaday in waqti cusub loo qorsheyn doono, inkastoo uusan sheegin goorta.
Wararka kale waxay tilmaamayaan in masuuliyiin kale ay wadaan dadaallo lagu dejinayo xiisadda siyaasadeed, si aysan madaxdaasi uga bixin garabka Dowladda Federaalka.
HBN ONLINE TV