Maamulka Puntland ayaa bilaabay diyaar-garow ku aaddan sii-daynta markabka MV Sea World, oo wata calanka dalka Comoros, kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga ay xaqiijiyeen in hubka saaran markabka uu yahay mid rasmi ah oo ay leedahay dowladda Turkiga.
Markabkan ayaa ku xayirnaa dekedda Boosaaso muddo ku dhow saddex toddobaad, iyadoo laga shakisan yahay hubka uu sida. Go’aanka lagu sii daynayo markabka ayaa yimid kadib booqasho uu magaalada Boosaaso ku tegay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, kaas oo la kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, isla markaana soo bandhigay dukumentiyo muujinaya in hubkaasi yahay mid loo waday adeeg rasmi ah oo Turkigu leeyahay.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu oggolaaday sii-daynta markabka kadib kulanka uu la yeeshay safiirka Turkiga.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay uga digtay Puntland in ay hayso markabka, iyadoo sheegtay in shixnadda saaran loo waday saldhigga milatari ee Turksom ee Muqdisho, iyo sidoo kale alaabo ganacsi oo loogu talagalay ganacsatada Soomaaliyeed.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa tilmaamaya in sii-daynta markabku ay gacan ka geysan karto dejinta xiisadda u dhaxeysa Puntland iyo dowladda dhexe, iyadoo sidoo kale la xoojinayo doorka muhiimka ah ee Turkiga ku leeyahay arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV