Maxay tahay sababta Finland u joojisay malaayiin doolar oo taageero ah oo ay Soomaaliya siin lahayd

Dowladda Finland ayaa sheegtay in la joojijiyey wadashaqeyntii iyo Barnaajidyadi horumarineed ee kala dhaxeysay Soomaaliya, ka dib markii ay diiday sida hadalka ay u dhigtay aqbalka dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliya ee sifada aan sharciga ahayn ku jooga dalkaasi ama aan loo diiday sharciga

Wasiirka ganacsiga iyo horumarinta dalka Filnland Ville Tavio ayaa isaga oo soo xiganaya sida uu hadalka u dhigay barnaamijka dawladda ay ku cadahay iskaashiga horumarinta ee Finland, uuna ku xiran yahay heshiiska wadamadu, si ay u celiyaan muwaadiniintooda codsiga Finland iyo taageeradooda nidaamka caalamiga ah ee ku salaysan xeerarka.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wada-shaqeynta Soomaaliya ee dib u celinta ayaan u dhicin sidii la filayey.

“Hakintu waxay ka dhigan tahay in aan go’aano dhaqaale oo cusub la gaari doonin ilaa horumar la taaban karo laga gaaro iskaashiga dib u celinta Soomaaliya,” ayuu yiri Tavio.

Sida uu sheegay wasiir Tavio, iskaashiga dib-u-celinta waxaa loola jeedaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan haysan sharciga deganaanshaha Finland, dib loogu soo celinayo dalka, iyada oo loo marayo heshiis laba geesood ah oo dhexmaray labada dowladood.

Wasiirka ganacsiga Xukuumadda Helsinki Ville Tavio ayaa ka gaabsaday in uu sheego tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sidaan oo kale ah looga eryay dalkiisa Finland.

Dhawaan waxaa soo baxay hadal heyn ku baahday warbaahinta iyo bulshada dhexdooda, taasi oo tilmaameysa in dowladda Soomaaliya wado qorshe dib loogu soo celinayo muwaadiniin Soomaaliyeed, inkasta oo dowladda beenisay in ay qorahaha qof si qasab ah dalka dib ugu soo celinayo.

Tobanaan kun oo Soomaaliya oo siyaaba kala duwan wadamada caalamka ugu wajahaya xaalado hadda ayaa qaarkood diidmo adag kala kulmay dowladaha martida ay u noqdeen, halka ay ku hayaan goobo kaamam ah oo qaarkood ay inoo sheegeen in nolol adag ku wajahayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro dhibaato adag ku wajahayey dalalka Afrika oo Liibiya ugu horeyso, waxaa ay ugu mahadceliyeen masuuliyiin dowladda Soomaaliya sida ugu soo gurmadeen, madaama ay dhibaato adag kala soo kulmeen xabsiyada lagu hayey iyo cimilada halkaasi jirtay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed