Maxay tahay sababta duuliymaadkii tagi lahaa garoonka Baraawe loo joojiyay?

Shirkadaha diyaaradaha rayidka ee taga magaalada Baraawe ee gobolka shabeellaha Hoose ayaa lagu wargaliyey in la hakiyey duulimaadyadii maalinta beri ah ku qornaa ka dib amar ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed.

Masuuliyiin ka socda Koonfur galbeed oo ku sugan magaalada ayaa la sheegay in ay ku amreen shirakadaha diyaaradaha in ay la joojiyey safarkii ku qornaa in ay tagaan Baraawe, iyada oo la tilmaamay in uu xiran yahay garoonka.

Amarkan hakinta ah ee ka soo baxay Koonfur Galbeed ayaa lagu sababeeyey in halkaasi beri uu ka dhici doono doorashada qabsoomidda guddoomiyaha degmada Baraawe.

Wsaaradda arimaha gudaha Koonfur Galbeed ayaa shalay magaalada Baraawe ku soo gabagabeysay doorashada qaar ka mid ah xubnaha ka dhimanaa golaha deegaanka, waxaana lagu wadaa halkaasi lagu qabto doorashada Guddoomiyaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed