Maxay tahay sababta 8 qof oo 4 Soomaali ah tahay loogu daldalay dalka Sacuudiga?

Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa hal maalin gudaheed ku fulisey xukun dal-daalad ah 8 qof, iyadoo ay ka mid ahaayeen afar ruux oo Soomaali ah iyo saddex Itoobiyaan, ka dib markii maxkamad ku xukuntay in ay si sharci darro ah dalka ugu soo geliyeen xashiish — fal dambiyeed Sacuudiga aad loogu ciqaabo qofkii lagu helayo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa sheegtay in raggan lagu helay dambiga “ka ganacsiga daroogada”, islamarkaana ay maxkamado kala duwan xukmeen, xukunkaasna uu ansixiyey Boqorka.

Kiis gaar ah ayaa sidoo kale lagu dilay muwaadin Sacuudi ah oo la sheegay inuu si kas ah u dilay hooyadii, taasoo tirada guud ee maalintaas la daldalay ka dhigtay 8 qof.

Sacuudiga wuxuu leeyahay siyaasad adag oo ah marka ay timaado dambiyada daroogada iyo dilalka, iyadoo xukunka dilka loo adeegsado sidii digniin iyo cabsi gelin bulsho.

Waxaa xusid mudan in aan weli wax war ah ka soo bixin dowladda Soomaaliya ama safaaradda Soomaaliya ee Riyaad, taasoo walaac xoog leh ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed — iyagoo ugu baaqaya dowladda Soomaaliya in ay u doodo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wajaha xukuno dil ah ama ku xiran dalalka shisheeye.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed