Maxay tahay jawaabta Koonfur Galbeed ka bixisay hadalo ka soo yeeray DFS?

War saxaafeed ka soo Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya KGS ayaa si adag uga horytimid warqad ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), taasoo ay ku tilmaantay mid ka hor imaaneysa heshiisyadii dowladnimo iyo nidaamka federaalka ee dalka lagu heshiiyey. Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadaas ay muujineyso sida hadalka loo dhaqan mid ka fog mabda’a federaalka.

KGS ayaa carrabka ku adkeysay in ay leedahay dastuur u gaar ah, kaas oo si cad u qeexaya in dowlad-goboleedku leeyahay awood sharciyeed oo uu kaga tashan karo arrimihiisa gudaha, gaar ahaan maamulka iyo habeynta heer gobol iyo degmo. Waxay sidoo kale caddeysay in awoodda magacaabista, kala dirista iyo wax ka beddelka maamulada ay si gaar ah ugu kooban tahay maamulka Koonfur Galbeed.

Warka wasaaradda ayaa lagu sheegtay in faragelin kasta oo ka timaada dhinac kale oo aan waafaqsaneyn dastuurkeeda ay tahay sida hadalka ay udhigtay mid sharci darro ah oo aan waxba ka jirin. Arrintan ayaa muujinaysa khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo DFS.

Xalay,  Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in uu dhammaaday muddo-xileedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo xubnaha kale ee maamulka, iyadoo caddeysay in aysan sharci ahayn inay sameeyaan magacaabisyo ama xil ka qaadisyo. DFS ayaa sidoo kale sheegtay inay bilaabeyso geeddi-socod lagu soo dooranayo hoggaan cusub, iyadoo dalka uu galayo marxalad doorasho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed