Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka dalka inay door muuqda ka qaataan xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee jira, xili uu hadalkan ka jeediyay munaasabad caleema saar ay wada joogeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaanka sare ee dowladda Federaalka.
Wuxuu sheegay in isjiid-jiidka siyaasadeed uu yahay dabeecad ka mid ah siyaasadda, balse uusan ahayn wax xumaan ah, islamarkaana la sixi karo. Wuxuu ku boorriyay hoggaanka dhaqanka inay kaalin firfircoon ka qaataan dhexdhexaadinta iyo isu soo dhawaanshaha dhinacyada isku haya siyaasadda.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tilmaamay in kulanka maanta uu muujinayo midnimada bulshada Soomaaliyeed, isagoo yiri “Sida munaasabaddani u kulmisay guud ahaan haldoorka bulshada soomaaliyeed, waxa ay tusaale u tahay in dadkeennu ay ka mideysanyihiin wada-dhalashada, diinta suubban, dhaqanka wanaagsan iyo isirka soomaalinimo, waxaana ahmiyad gaar ah siinaynaa wada shaqeynta hoggaanka dhaqanka, maadaama ay laf dhabar u yihiin dib u heshiisiinta, dowlad dhiska iyo xasilloonida dalka”.

