Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay wargelin ku wajahan dhammaan imaamyada iyo khadiibyadda masaajidda dalka, taas oo ku saabsan khudbada Jimcaha ee berrito oo ku beegan 02/01/2026.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in khudbada Jimcaha si gaar ah diiradda loo saaro ahmiyadda midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyo sidoo kale khataraha ay leedahay kala-qaybsanaanta iyo sida bayaanka lagu yiri faragelinta Israa’iil ee saameynta ku leh amniga, xasilloonida iyo wadajirka bulshada.
HBN ONLINE TV

