Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa digniin culus u diray cid kasta oo la shaqeysa ama xiriir la yeelata Alshabaab, ka dib markii maanta maxkamadda ciidamada ay dil toogasho ah ku fulisay laba askari hore oo lagu helay qiyaano qaran iyo dilka taliye ka mid ahaa ciidaamda dowladda.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunka dilka ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad Koofi), kuwaas oo lagu eedeeyay in ay miino ku xireen sariir uu ku jiifay Allaha Unaxariisto Abaanduulihii Ururka 83-aad, Ex Dhamme Caydiid Maxamed Cali. Toogashadu waxay ka dhacday deegaanka Sabiid iyo Caanole ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo saraakiishu sheegeen in qof kasta oo qaran qiyaana uu mar walba la kulmi doono ciqaab noocan oo kale ah.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Odawaa Yuusuf Raage iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow ayaa labaduba ku celceliyay in darajada ama xilka qofka aysan difaac u noqon doonin haddii lagu helo khiyaano qaran ama xiriir lala yeesho “Alshabaab”, loogana jaaseyn doono sida labadaasi askari ee la toogtay oo kale. Fariinta ay direen ayaa si toos ah u taabeysay Ciidamada kale.
Guddoomiye Liibaan ayaa yiri “Qofkii xariir la yeesha khawaarijta, maalin ay tahayba waan toogan doonaa.”, iyada oo Taliye Odawaa ku daray “Qofkasta oo qarankiisa qiyaana darajadii uu doono ha lahaadee, fagaaraha cadaaladda ayaa la geyn doonaa.”
Xukunkaan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah oo maxkamadda fuliso bishan gudaheeda, iyadoo 7-dii bishaan lagu toogtay Muqdisho saddex ruux oo ku eedeysnaa dilal kala duwan.
Xabsiyada Muqdisho ayaa waxaa hadda ku xiran dad sugaya fulinta xukunno toogasho, kuwaas oo qaarkood ah askar dowladeed halka kuwo kalena lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin AlShabaab.
HBN ONLINE TV