Maxay ku qotontaa khubadda madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaramada Midoobey?

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan ergada Soomaaliya, ayaa ka qeyb-galay furitaanka Meertada 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Sida ay ku warantay madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu Golaha ka jeediyo khudbad dhammaystiran oo uu kaga hadli doono xaaladda guud ee Soomaaliya.

Kalmaddiisa ayaa diiradda lagu saari doona arimaha gudaha dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha loogu yeero argagixisada, dadaallada dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska, iyo hirgelinta doorashooyin toos ah oo dalka ka dhici doona.

“Madaxweynaha ayaa Golaha ka jeedin doona kalmad ku saabsan xaaladda dalka, isagoo soo bandhigi doona guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u habaynta dhaqaalaha, dowlad-dhiska iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah” lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale laga filayaa in Madaxweynaha uu si xoog leh u xoojiyo baaqiisa ku saabsan muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, si Soomaaliya ay uga mid noqoto dalalka leh ciidan qaran oo awood u leh la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, isla markaana loo abuuro xasillooni siyaasadeed iyo dhaqaale oo waara.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamayaa mid kaalin muhiim ah ka qaadan karta sidii Soomaaliya taageero dheeri ah uga heli lahayd beesha caalamka, xilli dalku ku jiro marxalad kala guur ah oo ku aaddan ammaanka iyo horumarka siyaasadeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed