Kadib socdaal saacado socdal oo uu ku joogaya magaalada Hargeysa, Wasiirka Arrimaha Dibedda Israa’iil Gideon Sa’ar iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku tagay Somaliland ayaa waxay kulan gaar ah la yeesheen madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo masuuliyiin kale.
War laga soo saaray madaxtooyda Somaliland, Madaxweyne Cirro ayaa Israa’iil uga mahad naqay go’aankii ay ku aqoonsatay, isaga oo ku tilmaamay mid leh sida uu hadalka u dhigay saameyn diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid horumarineed oo si weyn u taabanaysa Somaliland, Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.
Cirro ayaa sheegay in maanta ay Somaliland u tahay maalin weyn, isaga oo hoosta ka xarriiqay in aqoonsiga Israa’iil uu xoojinayo “doorka Somaliland ee ilaalinta nabadda, xasilloonida, dimuqraadiyadda, xorriyatul-qowlka iyo iskaashiga, isla markaana uu kor u qaadayo wax-wada qabsiga ku dhisan danaha istiraatijiyadeed ee ay labada dhinac wadaagayaan”.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibedda Israa’iil, Gideon Sa’ar ayaa caddeeyey sida madaxtooyda Somaliland sheegtay in xukuumadiisu ay ku faraxsan tahay aqoonsiga buuxa ee ay siiyeen Somaliland, isla markaana ay diyaar u tahay in ay Somaliland la yeelato xiriir dhow oo dhinacyo badan leh, kaas oo faa’iido iyo waxtarba u leh labada dhinac iyo labada shacab ee Israel iyo Somaliland, isaga oo hoosta ka xarriiqay in aqoonsiga Somaliland uu yahay go’aan ku salaysan sida uu yiri “xaqa aaya-ka-tashiga ummadda reer Somaliland, danaha amniga iyo xasilloonida xilliga dheer ee Gobolka Geeska Afrika”.
“Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil waxa uu si cad u sheegay in ay Dawladdiisu ka go’an tahay in ay bulshada Caalamka ay u soo bandhigto, isla markaana ay u bayaamiso Sooyaalka Taariikheed iyo madax bannaanida Somaliland, taasi oo muddo badan la iska indho-tirayay. Wasiirku waxa uu xusay in iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil uu tusaale u yahay sida ay Dawlad masuul ahi uga qayb qaadan karto amniga caalamka, horumar waara iyo wada-noolaansho ku dhisan dano wadaag iyo ixtiraam Qaranimo” ayaa lagu warka Somaliland.
Booqashadan ayaa masuuliyiinta Somaliland ku tilmaameen mid taariikhi ah isla markaana ay xambaarsan tahay macno istiraatijiyadeed iyo nuxur amni oo aad u durugsan leh.
HBN Online TV

