Maxay kawada hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ruto?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay dhigiisa Kenya William Ruto, xilli uu halkaas ka socdo Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga, iyo sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa kooxda Alshabaab oo dagaal adag kula jiraan.

“Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa loona hormarin lahaa xiriirka dhow ee laba geesoodka ah ee dhinacyo badan leh ee u dhexeeya labada dal” ayaa lagu warka madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa looga hadlay arrimaha deegaanka iyo saamaynta isbeddelka cimilada ee gobolka Geeska Afrika. Labada Madaxweyne ayaa isla gartay in la sii adkeeyo xiriirka dhow, ayna wadajir uga shaqeeyaan nabadda iyo horumarka gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed