Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa soo dhaweeyay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sheegay in uu gogol u fidiyay xubnahaasi, si ay uga arrinsadaan dhismaha Dowladnimada Casriga ah & dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish & Alshabaab .
Dhinacyada Xubnaha soo dhaweeyay waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka Bulshada ayuu ku soo dhaweeyay isaga oo bogaadiyay in la dadejiyo gogoshaas.
“Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalkeenna” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo jeediyay in la xoojiyo tallaabadaan oo ah mid dan guud ah oo qof weliba mas’uuliyad ka saaran tahay, haddii looga faa’iideysto si daacadnimo ku dheehan tahay. “Waxaan soo dhaweynayaa gogosha wadatashi ee Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ku baaqay, waa tallaabo hore loogu qaadayo in danta, dalka iyo diintaba ay masuuliyad naga wada saaran tahay kulligeen.” Ayuu yiri .
Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Sheekh Axmed & Xasan Cali Khayre oo isku dhinac ah ayaa si wadajir u marxabeeyay baaqa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo gogosha uu dhigay si looga tashtano danaha masiirigi ah.
“Waxaan soo dhaweyneynaa gogosha wadatashi ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay, waxaana u aragnaa in ay tahay tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday” ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah ee saddexdaas mas’uul soo saareen.
Madaxweynaha Jubbaland Aaxmed Maxamed Islaam oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan waxkasta oo wadahadal ah, Inkasta oo dhiggiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni aanu weli ka hadlin soo jeedinta gogasha loo fidiyey saamilayda siyaasadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan ku baaqay in gogol la isugu keenno qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Siyaasiyiinta si diiradda ay u saaraan dhismaha dowladnimada & la dagaalanka waxa loogu yeero ‘argagixisada’ sida uu hadalka u dhigay.
HBN ONLINE TV