Maxay ka yiraahdeen siyaasiinta Soomaaliya go’aankii DFS ee ka reebista Itoobiya ee howlgalka sanadkan cusub

Xubnaha mucaaradka ah ku ah DFS oo ka hadlay go’aan aan weli diirka laga qaadin ee la xiriira in Itoobiya ka mid noqonayaan howlgalka AUSSOM iyo in laga reebay ayaa dhaleeceyno adag u jeediyey huggaanka sare ee dalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay sida uu hadalka u dhigay hoggaan xukumo siyaasadeed.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in madaxda dowldada aysan laheyn sida uu hadalka u dhigay diblomaasiyad gole ka fuul, isaga oo dhaliilay madaxweynaha.

Waxaa uu tilmaamay in wafdi siyaasiyiinta iyo saraakiisha isugu jira ee Itoobiya ay Muqdisho u yimaadeen in madaxda dalka kala hadlayaan sidii ciidanka Itoobiya uga sii mid ahaan lahaayeen hawlgalka cusub ee AUSSOM.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed