Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada dalka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden, Benjamin Dousa, iyaga oo is dhaafsaday afkaaro maalgashi iyo is bedel.
Kulanka oo marka hore diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden ayaa si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta fursadaha maalgashi.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay kobcinta karaanka hay’adaha dowliga ah, horumarinta adeegyada dadweynaha iyo taageerada Sweden ee dib-u-dhiska iyo horumarka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda Sweden doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, halka Wasiir Benjamin Dousa uu xaqiijiyay sida Sweden uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal.
HBN Online TV

