Waxaa kulan maanta ku dhexmaray magaalada Muqdisho Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya & kan Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee ka howlgala Qaaradda Afrika looga hadlay wadashaqeynta howlah amniga, iyada oo labada dhinac ay hadda si weyn isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Alshabaab iyo Daacish ee koonfur iyo Bariga Soomaaliya.
War saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud uu wadahadal la yeeshay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee ka howlgala Qaaradda Afrika, Sareeye Gaas Claude K. Tudor Jr.
Inta uu is aragoodu socday ayaa la tilmaamay inay isla meel dhigeen xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo howlgallada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray taageerada iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo tayeynta ciidamada, si gaar ah dhismaha ciidan qaran oo leh awood iyo diyaar-garow sare, si uu uga jawaabi karo baahiyaha amni ee dalka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa Kulankooda ku soo hadal-qaaday muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidamada.
HBN ONLINE TV

