Maxay ka wadahadleen Axmed Madoobe oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay & Safiirka Midowga Yurub?

Waxaa xog laga helayaa & faahfaahin kulan dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo ay wehliso Safiirka Midowga Yurub ee dalka Francesca Di Mauro.

Sida ay ku warantay madaxtooyada Jubbaland, kulanka oo xogtiisa la sii daayay maanta ayaa lagu sheegay in diiradda lagu saaray geeddi-socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed ee guud ahaan Soomaaliya, caqabadaha ku xeeran iyo fursadaha lagu dardargelin karo dowlad-dhiska iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha siyaasadeed.

Sidoo kale, war ka soo baxay xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa lagu sheegay in kulanka oo ka dhacay Kenya uu ka mid ahaa wadahadaladii caadiga ahaa ee lala yeelan jiray hoggaamiyeyaasha Soomaalida. Wuxuu kulanku oo dhacay Arbacada todobaadkii hore lagu qabtay magaalada Nairobi.

Warka ayaa lagu yiri: “Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo ay weheliso Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro, ayaa 10-kii Diseembar magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe si uu uga dhageysto aragtidiisa ku saabsan horumarka siyaasadeed ee hadda jira iyo sida beesha caalamku si wax ku ool ah ugu taageeri karto hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.”

Waxaa sidoo kale la sii raaciyay in Swan uu dhiirrigeliyay wadahadal siyaasadeed oo dhexmara hoggaamiyeyaasha Soomaalida si wax looga qabto caqabadaha ama is-afgaranwaaga jira.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in dhinacyadu ka wada-hadleen shir dhawaan lagu wado in uu ka qabsoomo magaalada Kismaayo, kaas oo la filayo in uu door muhiim ah ka ciyaaro xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed iyo horumarinta wada-tashiga heer federaal iyo dowlad-goboleed.

Kulankan ayaa imanaya xilli uu dalka marayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana beesha caalamku ay sii kordhinayso doorkeeda ku aaddan taageeridda geeddi-socodka nabadda, doorashooyinka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

 

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed