Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyne William Ruto?

Kulan ay  Nairobi ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa waxay ku yeesheen wada-hadallo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee ka dhexeeya dalalkooda. Wadahadallada oo dhinacyo badan oo muhiim ah “waxaa hoosta laga xariiqay sida ay uga go’an tahay labada dhinac horumarinta  iskaashiga dhinacyada amniga gobolka, waxbarashada, ganacsiga, maalgashiga, iyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada” sida lagu sheegay war rasmi ah.

Kulanka oo uu Madaxweyne Ruto ku marti qaaday Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Nairobi ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinacyada kala duwan. Labada hoggaamiye ayaa muujiyay sida ay uga wada hadlayaan xoojinta iskaashiga qotoda dheer, gaar ahaan wax ka qabashada caqabadaha guud iyo horumarinta hadafyada la wadaago ee amniga gobolka, horumarinta dhaqaalaha, iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wada-hadallada ayaa ahaa kuwo dhinacyo badan taabanaya, waxaana diiradda lagu saaray arrimaha ugu muhiimsan ee labada dhinac ay dani ugu jirto. Tan waxaa ka mid ah hindisayaasha amniga gobolka ee loogu talagalay horumarinta xasilloonida iyo nabadda gobolka, dadaallada waxbarasho ee wadajirka ah si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho iyo halbeegyada, horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha iyo barwaaqada, iyo tillaabooyinka iskaashiga ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo xagjirnimada.

Sidoo kale, Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ku xaqiijisay natiijada kulanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed