Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Amiirka Qatar Al-Thani

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Doha kula kulmay Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani, iyagoo ka wada qaybgalaya Madasha Doha Forum 2025, kaasi oo isku dhafsaday taageerada amni, iyo qorshayaasha lagu ballaarinayo wada-shaqeynta labada dowladood.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiir Tamiim ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sida ay madaxtooyada Soomaaliya sheegtay mashaariicda horumarineed, taageerada amni, iyo qorshayaasha lagu ballaarinayo wada-shaqeynta labada dowladood.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Amiirka Qatar taageerada joogtada ah ee ay Doha siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska, dhaqaalaha, iyo amniga.

Sida oo kale wuxu muujiyey sida uu uga go’an yahay sii adkeynta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed