Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi oo uu weheliyo Ku-xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan muhiim ahb la yeeshay Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Joachim Waern, kuwaas oo diirada saaray arrimo kala duwan.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay dowlad dhiska Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Siyaasadda iyo arrimaha gudaha Puntland sida dhameystirka Dimuqraadiyadda, Iyadoo Deni uu uga mahad celiyay Sweden taageeridii Doorashooyinkii hal qof iyo hal cod ee Puntland.
Sidoo kale waxaa Kulanka looga hadlay mashaariicda horumarin ee ay iska kaashadaan Puntland iyo Sweden.
Kulankaan ayaa imaanaya iyada oo Puntland iyo Villa Soomaaliya oo ka dhex taagan yahay khilaaf xooggan oo aanan wali wax xal ah laga gaarin, isla markaana ay sheegtay in ay xiriirka u jartay dowladda dhexe.
HBN NEWS DESK