Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha  Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SODMA) Maxamuud Macalin Cabdulle, waxaana ay ka wada hadleen xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jira deegaanada Maamulkaasi.

Laftagareen ayaa warbixin faah faahsan ka dhageystay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, waxaana labada dhinac ay isla garteen in la kordhiyo gargaarka ay SODMA siiso dadka jilicsan ee ku nool deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray dardar gelinta mashaariicda ay Koonfur Galbeed ee Hay’adda SODMA ka fulineyso Bankiga Adduunka ee lagu xalinayo xaaladaha bini’aadantinimo iyo dhibaatooyin kala duwan oo shacabka saameyn taban ku reebay.

Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA doorka wanaagsan ee ay ka qaadaneyso arrimaha bini’aadantinimada ee ka jira deegaanada maamulka, waxaana labada mas’uul ay ballan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeyn doonaan, korna u qaadi doonaan wadashaqeynta iyo horumarinta deegaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed