Maxay ka tiri Qaramada Midoobey fashilkii ku yimid gogoshii wadahadal ee madaxda DFS & Mucaaradka?

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho kadib markii dhinacyada Mucaaradka ay cadeeyeen in wadahdalkii kala dhexeeyey madaxda Dowladda dhexe ee Soomaliya ay fashil ku soo idlaadeen ayuu ku adkeystay inay sii soconayaan, ayna kana ka shaqeyn donaan kulamo kale oo lagu xalinayo khilaafka taagan.

Swan si si kooban u hadlay ayaa yiri “Waan rajaynaynaa inay sii socdaan wadahadalada dowladda iyo golaha mustaqbalka, waana wax aan kula talinay labada dhinac”.

Hadalka wakiilka Qaamada Midoobey waxaa ka sii horeeyey war isna ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegay in wadahadalka iyo isu-tanaasulka ay adag yihiin, balse ay lagama maarmaan tahay in la gaaro heshiis, iyada oo hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ku dhiirrigelisay inay sii wadaan dadaalladaas.

Galinkii dambe ee maanta, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in wadahadalladii u socday iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ay ku soo dhammaadeen heshiis la’aan, kadib kulamo looga hadlayay arrimo siyaasadeed iyo kuwo dastuur, sida lagu sheegay war-saxaafadeed la soo saaray Isniinta maanta ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed