Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in diyaaradaha dagaalka ee nooca F-16 ee Turkiga laga keenay ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee CXDS Ibraahim Maxamed Maxamuud, isagoo xusay in diyaaradahan ay shalay dhoolatus heer sare ah ka sameeyeen hawada magaalada Muqdisho.
Fiqi ayaa tilmaamay in F-16-ku ay fariin cad u dirayaan kooxda Alshabaab, isaga oo adeegsaday hadal suugaaneed oo xambaarsan digniin iyo hanjabaad, kuna muujinaya go’aanka dowladda ee la dagaallanka kooxdaasi.
Wasiirka wuxuu sheegay in marka ay diyaaradihii Turkigu ka kaceen Muqdisho ay maskaxdiisa ku soo dhacday murti uu ku cabbiray awoodda iyo saameynta F-16-ka, isagoo muujiyey in Alshabaab looga jawaabi doono, isla markaana ay wajahayaan dabar-go’ sida uu hadlaka u dhigay.
“Shalay markii diyaaradaha Turkigu ay keceen [Muqdisho] F16-ka oo ciidanka xoogga dalka loo keenay ayaa murti igu soo degtay” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wuxuu hadalka suugaaneed ku yiri “F-16 fariin ay sidaan idinka gaarsiine… Waa nimankii Khawaarijta ahaa [Alshabaab], Madaafiicdeedu meeshuu tagaan idin tusaalayne… Fasahaadka aad wadaan iyo falfal xumadiina…Fartii aad nuuxisaan iyo fadaladiiniiba…. Waxa maanta idin sugahayaa waa dabar go’iiniiye…. u giigsada sawaariiqda iyo gugaca baaruuda… kana goosta mudankiina iyo maydad farabeelay”.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa mar kale adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dagaalka Alshabaab, iyadoo adeegsan doonta dhammaan awoodaha ciidan, xilli ay sii xoogeysanayaan howlgallada ay wada, wadaan CXDS iyo saaxiibada caalamiga ah.
HBN ONLINE TV

