Gacanta ku dhigista ay Ciidanka Gurmadka Degdegga ee loo yaqaan RSF ku dhigeen xaruntii ugu waynayd ee shidaalka laga soo saaro ee Heglig HEJLIIJ ee gobolka Kordofaan Koonfureed ayaa calaamad u noqotay marxalad cusub oo khatar ah oo ku saabsan dagaalka Suudaan, taas oo dhaawacday halbowlaha dhaqaale ee dalka, iyadoo Suudaan ay lumisay dhammaan wax-soo-saarkeedii shidaalka.
Ma ahan oo kaliya in uu joogsanayo shidaalkii Suudaan xitaa shidaalka dalka dariska la ah ee Suudaanta Koonfureed oo xaruntan Hejliij lagu sifeyn jiray ka hor inta aan laga dhoofin Badda Cas ayaa sidoo kale istaagayt.
Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Al Jazeera Net in ciidamada RSF ay subaxnimadii Isniinta gaareen xarunta kadib markii Ciidanka Suudaan ay ka baxeen xaruntoodii Guutada 90-aad maalintii Axaddii. RSF waxa ay oggolaadeen in injineerrada, farsamayaqaannada iyo shaqaalaha kale ay si nabad ah ugu baxaan dhanka magaalada Renk ee Suudaanta Koonfureed Suudaan, sida ay sheegeen ilo wareed ka tirsan shaqaalaha shidaalka oo codsaday in aan magacooda la shaacin. Shaqaaluhu waxa ay xireen ceelasha iyo warshadda dhexe ee sifeynta ka hor intaanay bixin si looga hortago burbur ku yimaadan goobtan istiraatiijiga ah.
Suudaan waxay lumisay awooddii ugu dambeysay ee dhaqaalaheeda
Hejliij waxa ay ku taallaa meel u dhow xadka Suudaanta Koonfureed, qiyaastii 45 km galbeed ka xigta magaalada Abyei. Waa mid ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee shidaalka dalka, waxayna sahay shidaal u dirtaa warshadda sifeynta ee Khartoum, halka dhoofinta shidaalkaas loo adeegsado ama lagu gudbiyo dhuumaha gaara magaalada Port Sudan. Goobtu waxa ay leedahay xarumo istaraatiiji ah sida saldhigga soo saarista shidaalka, warshad sifeyn, keyd shidaal iyo matoorro tamar.
Wasiirkii hore ee Tamarta iyo Shidaalka ee Suudaan Jadin Cali Xasan, ayaa u sheegay Al Jazeera in hakadka Hejliijuu ka dhigan yahay in Suudaan ay lumisay dhammaan wax-soo-saarkeeda oo lagu qiyaaso 30,000–40,000 foosto maalintii. Waxa kale oo lumay dhammaan dakhliga ka iman jiray farsamaynta iyo qaadista 50,000 foosto maalintii oo laga soo saaro Suudaanta Koonfureed.
Isbedel halis ah oo dagaalka ku yimid
Khabiirka arrimaha istaraatiijiga ah ee Brigadier General Jamal al-Shaheed ayaa sheegay in Hejliij aysan ahayn oo keliya goob shidaal, balse ay tahay meel juqraafi iyo siyaasadeed oo xudun u ah xadadka, kheyraadka iyo madaxbannaanida. Wuxuu xusuusiyay in 2012, sanad kadib gooni-isu-taaggii Suudaanta Koonfureed, ciidamada Suudaan ay dib u qabsadeen goobtan kadib bilo ay gacanta ku haysay xukuumada Juba.
“Qabsashada RSF ee Hejliij waa isbedel ku imanayaa xaalada hadda taagan,” ayuu yiri. “Waxay si toos ah u beegsanayaan halbowlaha dhaqaalaha dalka.”
Wuxuu sheegay in ka bixitaankii ciidamada Suudaan uu ahaa “xeelad dagaal”, iyadoo isla markiiba RSF ay weerar drone ah ku qaadeen xarunta, taas oo ay ku dhaawaceen qaar ka mid ah shaqaalaha isla markaana keentay laga daad-gureeyo goobta—taasi waxay tusaale cad u tahay in goobaha istaraatiijiga ah ay noqdeen bartilmaameedyo dagaal.
Maalgashadayaal shisheeye oo ka baxaya dalka
Shirkadda shidaalka Shiinaha ee CNPC ayaa ku dhawaaqday inay soo afjarayso maalgelinteedii 30-ka sano soo jirtay ee Suudaan, sababo la xiriira xaaladda amni darro ee ka jirta goobta Belila ee Galbeedka Kordofan. Shirkaddu waxay codsatay kulan degdeg ah oo ay la yeelato dowladda Suudaan si loo joojiyo heshiisyadii wax-soo-saarka iyo dhuumaha December 31, iyagoo sabab uga dhigay “xaaladaha lama huraanka ah” ee dagaalka.
Al-Shaheed wuxuu ka digay in haddii Hejliij bannaanaato, ay noqon karto meel ay ku loolamaan kooxo hubeysan oo doonaya inay saameyn siyaasadeed ku helaan. Isticmaalka drones-ka RSF wuxuu muujinayaa horumar cusub oo halis ah oo uu cudud ahaan sameeyay xaalka dagaalka.
“Ujeeddadu ma ahayn kaliya militari,” ayuu yiri. “Waxay ahayd farriin maskixiyan iyo dhaqaale, joojinta shaqada, cabsi gelinta shaqaalaha, iyo muujinta awoodda lagu gaari karo xarun aad loo ilaaliyo.”
Saameyn gudaha iyo dibaddaba ah
Qabsashada Hejliij waxay si toos ah u saamaynaysaa Suudaanta Koonfuteed oo dhaqaalaha dalkaas gebi ahaan ku tiirsan yahay shidaalka mara Suudaan. Sidoo kale shirkadaha ka shaqeeya shidaalka iyo dalalka dariska ah ayaa ka welwelsan inay xasillooni-darro ku faafto gobolka.
Gudaha Suudaan, waxay sare u qaadaysaa kharashaadka amniga, waxayna ka dhigi kartaa goobta mid nugul oo markale la weeraro — taas oo dhaawacaysa dhaqaalaha.
“Hejliij waa guul istaraatiiji ah”
Bayaan ay soo saareen ciidamada RSF waxay ku sheegeen qabsashada Hejliij inay “tallaabo muhiim ah” u tahay “xoreynta dalka oo dhan”. Waxay ku eedeeyeen wax ay ugu yeereen“kooxda Port Sudan” inay isticmaalayeen dakhliga shidaalka si ay dagaalka u dheereeyaan.
RSF waxay ballan qaaday inay “ilaalin doonaan” kaabayaasha shidaalka si loo hubiyo danaha Suudaanta Koonfureed oo ku tiirsan dhuumaha mara gudaha Suudaan, iyagoo sheegay inay nabadgalyo siin doonaan injineerada iyo shaqaalaha si ay u gutaan shaqadooda.
Qabsashada Hejliij waa dhacdadii ugu saameynta badnayd ee dagaalka tan iyo markii uu bilowday. Waxay calaamad u tahay in dagaalka Suudaan uu ka gudbay xuduudaha militari, uuna galay marxalad halis ah oo dhaqaale iyo siyaasadeed.
Hbn Online Tv

