Madaxweyanaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Hargeysa kula kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, iyadoo kulankaas looga hadlay arrimaha doorashooyinka & xaaladda gobolka.
War ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in James Swan uu muujiyay sida ay muhiimka u tahay doorashooyinka soo socda ee bisha Novembar ka dhacay Somaliland iyo arrimaha ugu muhiimsan ee Geeska Afrika.
Qaramada Midoobay & dalalka ee beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay qabsoomida doorashooyinka Soomaaliland ka dib markii dhawr mar dib dhac uu ku yimid, taasi oo keentay khilaaf ka dhex qarxay mucaaradka iyo maamulka Somaliland.
HBN ONLINE TV

