Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlayo walaaca uu ka qabo jihada siyaasadeed ee hadda ka taagan Soomaaliya iyo habraaca la xiriira wadatashiyada qaran ee la soo jeediyay.
War-saxaafadeedkan ayaa daba socday kulammo uu goluhu ku yeeshay magaalada Kismaayo intii u dhaxaysay 18 ilaa20 December 2025, iyo sidoo kale warqad dambe oo ay ka heleen Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, taas oo ku saabsan shir qaran oo la qorsheeyay inuu ka qabsoomo Muqdisho 1-da bisha soo socota ee Febraayo 2026.
Inkasta oo uu goluhu soo dhaweeyay wada-hadalka iyo qabsoomidda shirka qaran, haddana waxa uu dhaliilay waxa uu ku tilmaamay “go’aan-qaadasho hal dhinac ah” oo ay wado xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Golaha ayaa ka digay wax kasta oo lagu doonayo in wax-ka-beddel lagu sameeyo Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee 2012, iyadoo aan la helin is-afgarad qaran oo ballaaran, taas oo ay sheegeen inay sii hurin karto “khilaafaad siyaasadeed” isla markaana wiiqi karto nidaamka federaalka.
Goluhu waxa uu ugu baaqay DFS inay diiradda saarto mudnaanta qaran ee degdegga ah, oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka khataraha amni ee ay ku hayaan Alshabaab iyo Daacish (ISIS), xoojinta xiriirka u dhexeeya DFS iyo dowlad-goboleedyada, horumarinta hannaanka maamul wanaagga, iyo dardargelinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay, ixtiraamka nidaamka dastuuriga ah, iyo iskaashi ka dhexeeya dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed ay lagama maarmaan u yihiin ilaalinta xasilloonida dalka, dhowrista mabaadi’da dimuqraadiyadda, iyo taageeridda dhismaha dowladnimo waarta oo ka hirgasha guud ahaan dalka.
HBN ONLINE TV

