Maxay Golaha Mucaraadka ka yiraahdeen wax-ka-beddelka dastuurka?

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid wax-ka-beddelka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee maanta ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Golaha ayaa ku eedeeyey guddoonka Baarlamaanka in hannaanka codbixinta uu si cad u jebiyey habraacyada dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka iyo shuruudda aqlabiyadda laba-meeloodka (2/3) ee labada Aqal.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa lagu sheegay in aan la xaqiijin aqlabiyadda dastuuriga ah ee loo baahnaa, isla markaana aan la ixtiraamin habraacyada sharciyeed. Waxa ay sidoo kale tilmaameen in dastuurku yahay heshiis bulsho oo saldhig u ah dowladnimada, isla markaana aan lagu beddeli karin rabitaan siyaasadeed oo cid gaar ah ama koox yar.

Goluhu wuxuu sheegay in uu aqoonsan yahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee 2012, ilaa wax-ka-beddel kasta lagu sameeyo hannaan sharci ah, loo dhan yahay, laguna gaaro heshiis qaran oo dhab ah. Waxaa intaas dheer, inay soo bandhigeen eedeymo la xiriira cadaadis siyaasadeed, qardajeex iyo cod-iibsasho, kuwaas oo ay sheegeen inay dhaawacayaan kalsoonida hay’adaha sharci-dejinta.

Sidoo kale, maamullada Puntland iyo Jubbaland, iyo tiro ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah, ayaa si cad uga soo horjeestay hannaanka wax-ka-beddelka. Golaha Mustaqbalka ayaa mas’uuliyadda siyaasadeed dusha ka saaray Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyey inuu hormuud ka yahay hannaan muran badan dhaliyay xilli ay dalka ka jiraan caqabado waaweyn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed