Maxay Dawlada Soomaaliya ka tiri in ay ciidamo u dirtay gobollada Sool & Sanaag?

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si cad u beenisay eedeymaha sheegaya in ay ciidamo geysay gobollada Sool iyo Sanaag, iyadoo sheegtay in aanay jirin wax sabab ah oo ciidan loogu diri karo deegaannadaas, isla markaana aysan jirin wax caddayn rasmi ah oo arrintaasi taageeraya.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay boggiisa gaar ah ayuu ku yiri:” Waxaan caddaynaynaa in Dawlad Federaalka ah aysan ciidan geyn Gobolka Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan”.

Iyada oo si weyn loogu baahiyey hadal heyn ay madax mucaarad ah siyaaba kala duwan ugu hadleen oo ku aadan in DFS ay ciidamo geysay deegaannada SSC-Khaatumo ayuu ku sheegay wasiir Fiqi in hadaladaasi eedeynta ah aanay xaqiiqo u heyn. Wuxuu ku sheegay afkaarayaasi kuwa looga soo horjeedo sida uu hadalka u dhigay rabitaanka dadka deegaankaasi.

“Shakhsiyaadka dawladda Federaalka ku eedaynaya arrintaasna wax caddayn ah oo ay soo bandhigeen ma jirto oo aan ahayn eed caalwaa ah oo ay ka muuqato in taag iyo tabar ay ku hor istaagaan ay u waayeen rabitaanka dadka deegaanadaas” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale, Wasiir tilmaantay in ay wax is khilaafaya tahay in mar la yiraahdo Dowladda Federaalka ma xukunto Muqdisho, haddana lagu eedeeyo in ay ciidamo u dirtay Sanaag. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in aanay is qaban karin eedaha iska hor imaaya ee mar la yiraahdo Dowladda Federaalka waa cadowga nidaamka federaalka, haddana lagu dhaliilo in ay dhiseyso dawlad-goboleed cusub.

“Ismana qabato Xamar ayay dawladdu xukumi wayday iyo Sanaag ayay ciidan geysay, sidoo kale waxaan isqabanayn Dawladda Soomaaliya nidaamka Federaalka ah ayay cadow ku tahay oo burburinaysaa iyo in haddana lagu eedeeyo dawlad goboleed cusub ayay dhisaysaa!!” ayuu ku sii daray qoraalka uu soo dhigay.

Ugu dambeyn Wasiir Fiqi ayaa ku adkeysatay in DFS aysan lug ku lahayn xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan gobollada qaar, isagoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada khilaafku khuseeyo in ay ka shaqeeyaan nabadda, wada-hadalka, iyo ilaalinta midnimada dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed