Maxamed Kaahin “Shirka xisbiga Kulmiye cidda wax laga waydiinayaa Muuse Biixi maaha, ee waa aniga”

Waxaa soo baxaya khilaaf culus oo ka dhex taagan hoggaanka sare ee xisbiga xukuumaddii hore ee Somaliland ee Kulmiye, kadib markii dhinacyada guddoonka xisbiga mucaaradka ah ay is dhaafsadeen hadalo adag.

Khilaafkan ayaa si weyn u soo shaac baxay kadib markii Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi uu ka hadlay xaaladda madmadowga ee xisbiga Kulmiye ka dhexjirta, isaga oo soo jeediyey in si degdeg ah loo qabto shirweyne uu xisbigu yeesho.

Biixi ayaa sheegay in Guddoomiye Maxamed Kaahin uu yahay nin Somaliland u soo halgamay oo dabeecad wanaagsan lagu yaqaan, islamarkaana uu khilaafka xisbiga ku eedeeyey dhallinyaro uu magacooda xusin, balse uu sheegay inay ku cusub yihiin xisbiga.

Dhanka kale, Guddoomiye Maxamed Kaahin, oo si adag uga jawaabay hadalka madaxweynihii hore, ayaa sheegay in aanu wax laga waydiin doonin talooyinka xisbiga.
Kaahin ayaa yiri “shirka xisbiga Kulmiye cidda wax laga waydiinayaa Muuse Biixi maaha, ee waa aniga, cidda go’aanka lehna waa aniga.”

Sidoo kale, Kaahin ayaa warbaahinta u sheegay in Muuse Biixi uu gurigiisa ku qabtay shirar aanu cidna la ogeyn, isaga oo tilmaamay inuu doonayo inuu soo bandhigo cid gaar ah, balse wuxuu ku kooban yahay hadalkiisa “sharciga uu u leeyahay & meesha uu marinaayo isagaa yaqaan.”

Muuse Biixi ayaa isaguna taageeray go’aanka guddida ururada iyo Asxaabta Somaliland, isagoo ku baaqay in shirweynaha xisbiga lagu qabto asxaabta ugu da’da weyn ee Somaliland.

Khilaafku wuxuu muujinayaa kala qaybsanaanta hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye, waxaana la filayaa in xaaladdu ay saameyn ku yeelato qorsheyaasha siyaasadeed ee xisbiga.
Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed