Maxamed Kaahin “Arrinta garoonka Hargeysa ee shalay annagoo Kulmiye ah ayaa dhibane ka ah”

Iska hor imaad ka dhacay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal ayaa noqday mid hadal-heyn badan dhaliyay, kaddib markii ciidamo galbinayay madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi, ay isku dhaceen ilaalada garoonka.

Xisbiga Kulmiye oo uu ka tirsan yahay Muuse Biixi ayaa sheegay inay yihiin dhibanaha dhabta ah ee arrintan, waxaana Guddoomiyaha xisbiga Maxamed Kaahin ku adkaystay in dhacdadii shalay aanay laba reer wadahadal ka gali karin ee ay si toos ah u saameysay Kulmiye.

“Dhacdadan arrinta garoonka shalay laba reer kama wadahadli karaan ee annagoo Kulmiye ah ayaa dhibane ka ah. Xukuumaddu wixii dhacay iyaga oo sugan saani ha uga hadasho. haddii ay iyagu qaladka gashay raali galin ha bixiso” ayuu yiri “ guddoomiye Kaahin.

Sidoo kale, waxaa dhacadaadi shalay ka hadlay Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni, afhayeenka xisbiga Kulmiye oo sheegay inuu goob-joog u ahaa falkii dhacay, wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda Somaliland in ay si ula kac ah u diyaarisay sida uu hadalka u dhigay ciidamo cusub oo lagu beddelay kuwii hore ee garoonka joogay.

Buuni wuxuu sheegay in muuqaalada warbaahinta iyo CC-kaamirada garoonku caddayn doonaan in ciidanka booliska ay rasaasta fureen iyo in si toos ah loo farageliyay ilaaladii madaxweynihii hore.

Sidoo kale wuxuu dhaliilay wasiirka duulista hawada Somaliland, isaga oo ku eedeeyay inuu si qaldan u sharraxay wixii dhacay. Wuxuu ku adkaystay in muuqaalada CC-kaamiradu muujin doonaan “ceebta dhacday”, sida uu hadalka u dhigay, isla markaana loo baahan yahay in bulshada loo soo bandhigo qaabka ay ciidanku ula dhaqmeen gaadiidka iyo ilaaladii Muuse Biixi.

Ugu dambayn, Buuni ayaa ka hor yimid war ka soo baxay booliska oo sheegay in iska hor imaadku ka dhashay dad isku dayay in ay xoog ku galaan garoonka. Wuxuu ku baaqay in la soo bandhigo muuqaalada CC-kamerada ee muujinaya dadka daba-socday Muuse Biixi iyo sida ay wax u dhaceen, isaga oo sheegay haddii aan la keenin ay xukuumaddu ku ceebaysnaan doonto dhacdadaas.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed