Maxkamadda sare ee Ciidmada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Mahad Cali Cabdi “ Madaxeey” oo ka tirsan ciidamada NISA iyo Dable Cadnaan Muuse Maxamed oo Booliiska kuwaasi si wadajir ah uga howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, waxaana lagu eedeeyey dil ka dhashay Is qabqabsi ka bilowday in la siidaayo mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo cida is ka leh gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.
27-kii bisha 6-aad ee sanadkaan Israsaaseyn dhex martay labada eedeysane, ayaa waxaa ku geeriyooday marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan sida ay sheegtay Maxakmaddu.
Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse ayaa Racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda darajada Koowaad ay horey ugu riday labada eedeysane, 28-kii Agoosto, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa mar kale codsaday qaadista kiiskaan.
Muddo ka dib, Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa sheegtay in ay aqbashay dalabkii racfaanka, iyada oo tilmaantay in waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.
1- Dable Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” ayey Maxkamada sare ayaa ku xukuntay Dil toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse, halka Dable Cadnaan Muuse Maxamed ayaa isna lagu xukumay 6-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.
HBN ONLINE TV

